Jubbaland oo magacowday guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha maamulkaas oo shalay geriyooday

Date:

MUQDISHO-31-7-2022-:Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbland oo shalay ku geriyooday dalka jarmalka  Marxuum Gen: Maxamed Warsame darwiish oo meydkiisa dhawaan dalka la keeni doono.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xubnaha uu magacabay qaban-qaabada Aaska waxa ay ka koobanyihiin ilaa 7 ruux oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo jubbland katirsan

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah.

  • Mudane Maxamed Yuusuf Omar guddoomiye
  • Mudane Hussein Hirsi Ahmed guddoomiye ku xigeen
  • Mudane Generaal yuusuf Hussein Osmaan
  • Mudane Ceydiid Suleeyban Xaashi
  • Mudane Cumar Abdullaahi Maxamed
  • Mudane Ali Cadheys Hassan
  • Mudane Ahmed Abbdirisaaq Maxamed

Marxuum Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo maamulka jubbland xilal kala duwan uu ka soo qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...