Gudoomiye ku Xigeenka 2aad Golaha Shacabka Oo Isbitaalada Ku Booqday Dhaawacyadi Marka. (SAWIRO)

Date:

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir (Abshirow) oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Isbitaalka Magaaladda Muqdisho oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii shalay maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al shabaan ka geyateen Magaaladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.

Isbitaalada Daarul-Shifa iyo Digfeer ayuu Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ku booqday bukaanadan oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Meelaha uu booqday guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka waxaa ka mid ah ICU-da isbitaalka Digfeer oo ah qeyb la geeyo dhaawacyada ay xaaladoodu darantahay,waxaana dhaqaatiirta isbitaalada uu booqday ka wareystay xaalada bukaanada ay qaabileen iyo qaabka ay hada ula tacaalaan.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa dhamaan ehelada bukaanada uu maanta booqday u muujiyay sida uu uga xunyahay dhibaatada soo gaartay,islamarkaana uu ku garab istaagi doono sidii xaaladooda wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacaba Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa alle uga baryay dhamaan bukaanada dhaawacyada kala duwan qaba bogsiimo deg deg ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...