Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta

Date:

Muqdisho-26-7-2022-:Xildhibaan Cabdi Samad Macallin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka BFS ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay dood cilmiyeed ku saabsan Daadajinta dowladnimada iyo federaaleynta kaas oo ay marti galiyeen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalkaas.

Madasha oo ciwaan looga dhigay federalka iyo nidaamka daadajinta maamulka ayaa sidoo kae looga hadlay arrima amniga Somalia ayay dhallinyaradu su’aalo ka weydiiyeen xildhibaanka.

Xildhaan Cabdisamad ayaa si xeeldheer u sharaxay arrimaha federaalismka iyo hanaanka daadijinta maamulka, aqoonyahanadii ka soo qeyb galay ayaa sidoo kale is weydaarsaday ahmiyadda mowduucu leeyahay.

 

Gudoomiyaha Madasha Kasmaal ee Barnaamijka qaban qaabisay Shafici Ali Nugaal ayaa uga mahadceliyay xildh Cabdisamad sida uu ahmiyad u siiyay Barnaamijka waxaana ugu dambeyn ka soo baxay talooyin dhaxal gal u ah dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...