DEGDEG: Golaha shacabka Soomaaliya oo u ogalaaday Ra’isulwasaare Hamse Abdi Bare in muddo 10 cisho ah loogu daro soo dhisidda xukuumadiisa

Date:

Muqdisho,25-7-2022-:Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ogolaaday codsi uu ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha kaasoo uu kaga codsanaayo in mudo toban maalmood ah loogu daro soo magacaabista golihiisa wasiirada,waxaana haa ku ogolaatay 144-xildhibaan,hal xildhibaan ayaa diiday mana jirin wax ka aamusay.

 

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Kulan Madaxtooyada Soomaaliy shalay ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen inay isku raaceen in muddo cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha Wasiirada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...