Soomaaliya Oo Ku Biiraysa Dalalka Bulshada Bariga Africa.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah, iyada oo wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan lagu qiyaaso 312 oo Malyan kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...