Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe oo maanta la kulmay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna

Date:

Muqdisho Luulyo 19,2022,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Ingriiska u qaabilsan dalkeenna marwo Kate Foster.

Danjiraha ayaa marka hore  Guddoomiyaha la wadaagtay sida dowladda Ingiriiska ay uga go’an tahay wax ka qabashada Abaaraha  iyo  in ay si buuxda u taageeri doonto  tababarada shaqaalaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa boggaadiyay dedaalada  dowladda Ingriiska ay ku taageerayso baarlamaanka JFS, kaas oo wax badan ka tari doona shaqada Golaha Shacabka, waxaana uu ahmiyada kowaad siiyay sidii wax badan loogu qaban lahaa Abaarahan soo noqnoqday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...