Suudaan oo Maanta dib u furtay xudduudka ay la wadaagto Dalka Itoobiya

Date:

MUQDISHO-18-7-2022-:Suudaan ayaa dib u furtay marinka xudduuda ah ay la wadaagto Itoobiya kadib markii ay xirtay bishii lasoo dhaafay iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay dishay 7 kamid ah ciidamada dalkaas.

 

Guddiga farsamada ee golaha amniga iyo gaashaandhigga Suudaan ayaa sheegay in xudduuda la furay kadib markii madaxda Suudaan iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in colaadda la joojiyo.

 

Golaha amniga iyo gaashaandhigga ayaa intaa ku daray in ciidamada ay xoojinayaan howlgallada lagu sugayo amniga xudduudda si ay uga hortaggaan kooxaha hubeysan ee kasoo tallaaba halkaas.

 

Hoggaamiyaha militeriga Suudaan Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan iyo Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Nairobi iyagoo ku heshiiyay in lasoo afjaray dagaalkii ka taagnaa xudduuda.

 

Xuduudka Gallabat ayaa la xiray 27-kii Juun ka dib markii Suudaan ay ku eedeysay Itoobiya in ay dishay 7 askari.

 

Suudaan waxay wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo ka dhan ah dilka ciidamadeeda halka Itoobiya ay beenisay inay laaysay askarta.

 

Suudaan iyo Itoobiya waxaa in muddo ah ka dhex taagnaa muran ku saabsan lahaanshaha dhulka beeraha qaniga ku ah ee Al Fashaqa.

 

XIGASHO BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....