Ra’iisul Wasaare Hamse Abdi Barre oo maanta la kulmay xubno katirsan dowladda Finland

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Suldaan Saciid Axmed, oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, ahna Ergayga cusub ee Finland u qaabilsan nabaddeynta Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xildhibaanka kala hadlay kaalinta dowladda Finland ee ku aaddan taageerada barnaamijka xukuumadda ee dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Mudane Suldaan Saciid Axmed, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee loo doorto baarlamaanka Finland, ayaa dhowaan waxaa loo magacaabay xilka cusub ee ah in wasaaradda arrimaha dibedda ee Finland uu u qaabilsanaado nabadeynta iyo dhexdhexaadinta gobolka Geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...