Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky oo shaqada ka ceyriyey madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaas

Date:

MUQDISHO-18-7-2022-:Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa shaqada ka ceyriyay madaxii amniga iyo dacwad oogaha guud ee dalkaas  kadib eedeymaha loo soo jeedeeyay ee ah in qaar ka mid ah waaxyadooda ay gacan saar la leeyihiin Ruushka.

 

Wuxuu sheegay in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasaday ee ku yaalla Ukraine.

 

Ilaa 651 qof ayaa la sheegay inay la shaqeynayaan Ruushka kuwaas oo lagu eedeeyay inay galeen khiyaano qaran isla markaana ay baarayaan laamaha amniga, sida uu sheegay madaxweynaha.

 

Xeer ilaaliyaha, oo la yirahdo Irna Venedik-tova iyo madaxa amniga, Ivan Baka-nov ayaa durbaba la bedelay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...