Dab ba’an oo ka kacay keymo ku yaalla Mediterranean-ka

Date:

MUQDISHO-16-7-2022-:Dabka ayaa ku faafay waqooyiga BortuqiiskaImage caption: Dabka ayaa ku faafay waqooyiga Bortuqiiska.

Kumanaan kamid ah kooxaha dab damiska ayaa daalaa dhacayaa daminta dab ka kacay dalalka Bortuqiiska, Spain iyo koonfur galbeed dalalka Faransiiska xilli dabka uu si xawaare leh u baahayo.

 

Waqooyiga Bortuqiiska, waxaa ku dhintay duuliyaha diyaarad ka qeyb qaadaneysay daminta dabka ku baahay deegaanka Foz oo u dhaw xadka Spain.

 

Dhinaca kale, dabka ayaa ku faafay gobolka Gironde ee dalka Faransiiska halkaas oo laga daadgureeyay in ka badan 12,000 qof.

 

Koonfurta Spain meel u dhaw gobolka Costa del Sol, waxaa halkaa isaga cararay dad ku dhaw 23,000 qof xilli dabka uu kusii baahayo keymaha ku yaalla buuraha Mijas.

Xigasho-BBC

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...