Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga

Date:

MUQDISHO4-7-2022-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayey oo soo gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Wasiirka Waxbarashada dalka Turkiga Mudane Mahmut Özer, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullahi Caydiid iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalkan ku sugan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuummad rasmi ah ka helay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadalladooda xoogga ku saari doona adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku guda jiro booqashada waxa uu la kulmi doonaa Bulshada kala duwan ee Soomaaliyeed sida Jaaliyadda
Iyo ganacsatada si uu uga xog-wareysto xaaladdooda guud iyo horumarrada ay sameeyeen.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu booqan doonaa Dugsiga Tababbarada Kumaandoosta ee Isparta l, halkaas oo ay tababbar ku qaataan qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga ee dalkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...