Puntland oo xariga ka jartay 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degmada magaalada Gaalkacyo,

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Gobaleedka Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xariga ka jaray 200 oo guri iyo suuliyaashood oo loo dhisay barakacayaasha degan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo.

Guryahaan waxaa loo dhisay dadka barakacayaasha ah ee degan Degmada Gaalkacyo waxaana laga dhisay Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo, waxaana maalgelisay hay’adda UNHCR.

Munaasabadda xariga jarka guryahaan oo ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Degmada Gaalkacyo waxaa ka soo qaybgalay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Madaxa UNHCR ee Puntland iyo Masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Ugu damayntii dadkii loo dhisay guryahaan waxaa lagu wareejiyey furayaashii iyo sabraloogadii guryaha.

Sidoo kale markuu soo idlaaday xarig jarka masuuliyiinta uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer ku tagay goobaha adeegyada bulshada ee Deegaanka Jeexdin, sida iskuulka, ceelka biyaha iyo goobaha caafimaadka.

h

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...