SAWIRRO:Guddoomiye Cumar Filish oo guddoomiyey kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

Date:

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo ay Taariikhda ku began tahay (Isniin 20 June 2022) shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan ayaa waxa uu ahaa mid uu Duqa Magaalada Muqdisho ku farayay Madaxda Maamulada iyo Saraakiisha laamaha Amniga sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen Xuska Maalmaha Qaran ee 26 June iyo 1 da Luulyo, isla Markaana loo wacyigelin lahaa Bulshada ku dhaqan Caasimada lana gaarsiin lahaa fariinta Duqa Magaalada ee ah in laga wada qeyb-qaato xuska Todobaadka Xorriyadda iyadoo la fulinayo Awaamiirta Maamulka Gobolka Banaadir ee ah in Astaanta Qaranka la suro Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee saaran Wadooyinka waaweyn ee Magaalada iyo sidoo kale in laga wada shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wafdi sare oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan iyo Xuduudaha Qaranka Mudane Cabdikariin...

Wasiirka caafimaadka oo Geneva uga qaybgalay shirka guddiga fulinta hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, H.E....

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...