Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Oo Soo Gaba gabaysay Kormeer ay ku tagtay Deegaanada Waqooyi bari ee Gobalka mudug +”SAWIRO”

Date:

Wafdigaan ay hogaamineysay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe ayaa soo gaba gabeeyay kormeer dhowr maalmood ah kaas oo ay ugu kuur galayeen xaalada adag ee abaaraha oo ka taagan deegaanada Fog fog ee ku yaala dhanka waqooyi bari Gobalka mudug

Wafdigaan ayaa kormeerkooda ku tagay deegaanada Af barwaaqo Bandarsheekh iyo Qoryo weyn iyo kuwa kale kuwaas oo dhamantood deegaano bulshada intooda badani ay isaga hayaameen abaaraha dartood haatan ay ku hareen tiro dad ah oo aan badneyn kuwaas oo la daalaadhacaya dhibaatooyin kasoo gaaray abaaraha awoodi waayayna ineey ka guuraan

Qaar ka mida dadka tirada yar ee ku haray deegaanada ay masuuliyiintu gaareen oo la hadlay warbaahinta Qaranka iyagoo ka warbixiyay dhibaatooyinka heysta Cod;

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug Axmed shire Falagle ayaa isna ugu baaqay hay”addaha samafalku ineey u gurmadaan dadka ku dhibaateysan deegaanadaasi isagoo dhanka kalana sheegay in deeqaha ka imaanaya hay”addaha samafalku aan la gaarsiin deegaanada Fog Fog ee Gobalka Mudug

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa uga danbeyn ka warbixisay waxyaabihii ay kusoo arkeen indhahooda

Deegaanka Qorya weyn ayaa bulshada ku nool waxa ay la ildaran yihiin xaalad biyo la”aaneed oo halkaasi ka taagan kadib markii ceelal gacameedyadii yaraa ee ku yaalay deegaankaasi biyo ahaana ay ku tiirsa naayeen ay biyihii gabi ahaanbe ka guureen abaaraha awgood

 

SNTV

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...