Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo qaabishay Wafdi kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO).

Date:

Muqdisho-13-6-2022-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo Qeybaha Wasaaradda ayaa qaabilay Wafdi ballaaran oo kasocday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee Bariga iyo Bartamaha oo uu Hogaaminayay Madaxa Xafiiska Soomaaliya ee
Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Ujeedada booqashada Wafdiga ayaa ku aadanayd sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan xoojinta Hanaanka Adeega Caafimaadka Asaasiga ah ee dalka iyo sida ugu habaoon ee looga faa’iidaysan karo horumarka tiknoolajiyada casriga ah ee la xiriirta Caafimaadka taasoo kor usii qaadi karta awooda adeegyada Caafimaaadka ee bulshada.

Wafdiga ayaa ka kooban 2 qeybood oo kala ah qeybta Iskaashiga hawlaha Tallaalka Covid-19 (COVID-19 Vaccine Delivery Partnership) iyo Xarunta WHO ee hal-abuurka (Innovation Hub).

Khubarada wafdiga la socotay ayaa boooqday Shaybaarka dhexe ee qaranka, Isbitaalka DeMartini iyo Xarunta Caafimaadka ee Dagmada Wabari halkaasi oo ay ugu kuur galayeen qaabka adeegyada Caafimaadka ay usocdaan iyo Caqabadaha jira ee u baahan in lawada wajaho xiligaan.

Wafidiga ayaa kulamo shaqo oo gaar gaar ah laqaadanaya qeyba kamida Wasaaradda gaar ahaan qeybta Tallaalka Guud iyo Shaybaarka Qaranka, waxeyna diirada saari doonaan arimaha la xiriira sidii looga faa’iidaysan lahaa Isticmaalka hananaka tamarta waarta ee laga dhaliyo soolarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...