Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

Date:

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

Kulanka oo ahaa mid looga arinsanayay sidii loo ambaqaadi lahaa u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada ku yaala dhanka waqooyi bari ee gobalka Mudug ayaa waxaa sidoo kale goob -joog ka ahaa wasiiro ka tirsan kuwa Galmudug gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo xubno matalayay bulshada qeybahooda kala duwan.

 

Kulankaan oo saacado Badan  qaatay ayaa looga arinsaday sidii maamul iyo bulshada loogu istaagi lahaa dadka ku jira xaaladaha adag ee dhanka nolasha.

 

Ugu danbeyn waxaa go’aan mideysan ayaa laga soo saaray taasoo ah in si wadajir ah loogu gurmado dhibanayaasha abaaraha iyadoo dhanka kalana loogu baaqay Hay’adaha iyo guddiga gurmadka abaaraha qaranka in loo soo gurmado shacabka soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan deegaanada fog fog ee ku yaala dhanka waqooyi bari Gobalka mudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...