Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

Date:

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa kulan la qaadatay odayaasha waxgaradka iyo maamulka deegaanka Afbarwaaqo ee Gobalka Mudug.

Kulanka oo ahaa mid looga arinsanayay sidii loo ambaqaadi lahaa u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada ku yaala dhanka waqooyi bari ee gobalka Mudug ayaa waxaa sidoo kale goob -joog ka ahaa wasiiro ka tirsan kuwa Galmudug gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo xubno matalayay bulshada qeybahooda kala duwan.

 

Kulankaan oo saacado Badan  qaatay ayaa looga arinsaday sidii maamul iyo bulshada loogu istaagi lahaa dadka ku jira xaaladaha adag ee dhanka nolasha.

 

Ugu danbeyn waxaa go’aan mideysan ayaa laga soo saaray taasoo ah in si wadajir ah loogu gurmado dhibanayaasha abaaraha iyadoo dhanka kalana loogu baaqay Hay’adaha iyo guddiga gurmadka abaaraha qaranka in loo soo gurmado shacabka soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan deegaanada fog fog ee ku yaala dhanka waqooyi bari Gobalka mudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...