Guddomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta gurmad Biyo- dhaamin ah u sameeysay qoysas ay abaaruhu saameeyeen.

Date:

MUQDISHO-JUUN-13-6-2022-:Guddomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta gurmad biyo dhaamin ah u sameeysay qoysas ay abaaruhu saameeyeen kuwaasi oo xaalad biyo la’aaneed ay ku heysatay deegaanada Bandarsheekh iyo buq qalooc oo ka mida deegaanada fog fog ee ku yaala waqooyi bari gobalka mudug

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa intii ay ku guda jirtay socdaalkeeda maanta ay ku tagtay deegaanada Bandarsheekh iyo Buq qalooc waxa ay warbixin ka dhageysatay qaar ka mida dadka fara ku tiriska ah ee ku nool deegaanadaasi maadaama qoysaska intoodii tabarta laheyd ay u hayaameen deegaano kale oo ka yara roon dhanka abaaraha deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee ku yaala waqooyi bari gobalka Mudug waxaana ay sheegeen in inta badan xoolihii ay dhaafeen sidoo kalana ay heysato xaalad biyo la’aaneed iyagoona codsaday in gurmadyo dhan walba ah lala soo gaaro

Faadumo cabdi faandhe gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka galmudug ayaa intii ay kormeerkeeda ku guda jirtay qiimeyn ku sameysay xaaladaha adag ee  dhanka nolasha ah ee deegaanada bandarsheekh iyo buqqalooc waxay sheegtay in ka xildhibaan ahaan ay xoogga saari doonto sidii gurmad ka badan kan maantay ay gaarsiisay ay u heli lahaayeen bulshada soomaaliyeed ee ku nool deegaanada fog fog ee gobalka kuwaasi oo inta badan aysan gaarin gar gaarka iyo gurmadyada hay’adaha samafalka

Ugu danbeyna waxa ay baaq udirtay gudiga gurmad abaaraha qaranka kaas oo ku saabsan in si dag dag ay usoo gaarsiyaan dadka ku sugan xaaladaha adag ee dhanka nolasha ah ee deganadaaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...