Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha oo la kulmay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka oo muqdisho timid.

Date:

Muqdisho Juun 13, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Md C/raxmaan C/shakuur ayaa maanta kulan la yeeshay ku xigeenka wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Victoria Nuland oo booqasho ku timid Soomaaliya .

Kulanka oo looga hadlayey gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta samaaysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ambassador Lary Andre , madaxa USAID, ku xigeenka ergeyaga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani’aadannimida iyo madaxda hay’adaha WFP, UNICEF, FAO.

Kulanka ayaa ka isku waydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.

Ugu danbeyn, Ergeyga ayaa uga mahadceliyey Dawlada Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, Waxa uu sidoo kale Ergeygu ballan qaaday in dawladda Soomaaliya ay daddaal kasta ku bixinayso sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo hawlaha gurmadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray Kulanka Furitaanka Golaha Difaaca Qaranka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal...

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...