Ergayga gaarka ah ee arrimaha bini’aadannimada iyo gargaarka oo kulan la qaatay wasiirada gargaarka iyo maamul goboleedyada.

Date:

Muqdisho Juun 11, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga wada-tashan lahaa wajihidda xaaladda abaaraha ee ka jirta dhammaan gobollada dalka iyo u gurmadka dadka sida daran abaaruhu u saameeyeen, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.
Ergeyga ayaa sidoo kale warbixino ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Dowlad Goboleedyada ay kala matalayeen ka dhageystay Wasiirrada, waxaana si weyn looga dooday fursadaha jira iyo caqabadaha ood-qaadka u baahan.
Ugu danbeyn, Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, waxa ay ballan qaadeen in ay si wadajir ah u dardar geliyaan una fududeeyaan howlaha gurmadka Abaaraha iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...