Ergayga gaarka ah ee arrimaha bini’aadannimada iyo gargaarka oo kulan la qaatay wasiirada gargaarka iyo maamul goboleedyada.

Date:

Muqdisho Juun 11, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii looga wada-tashan lahaa wajihidda xaaladda abaaraha ee ka jirta dhammaan gobollada dalka iyo u gurmadka dadka sida daran abaaruhu u saameeyeen, kuwaas oo u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah.
Ergeyga ayaa sidoo kale warbixino ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta Dowlad Goboleedyada ay kala matalayeen ka dhageystay Wasiirrada, waxaana si weyn looga dooday fursadaha jira iyo caqabadaha ood-qaadka u baahan.
Ugu danbeyn, Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad Goboleedyada, waxa ay ballan qaadeen in ay si wadajir ah u dardar geliyaan una fududeeyaan howlaha gurmadka Abaaraha iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Ergeyga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...