MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Magaalada Garbahaarey ee caasimada Gobolkaas ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Maleeshiyadka Al-Shabaab.
Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxdaan, kadib markii uu u adkeysa waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.
Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxdaas Nabadiidka ah ay ku qaldaan bulshada.
Waxaa maalmihii danbe kordhay maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ee isku dhiibaya cidamada Amniga ee ku sugan Gobolada Baay, Gedo Iyo Bakool kadib markii koxdaan looga itaal roonaaday dagaalo culus oo ka socda goobo katirsan goboladaas.