SAWIRO:-Maxkamada Gobolka Baay oo Maanta fagaaro ku toogatay Nin Haweeneey dilay.

Date:

Muqdisho-Juun-7-6-2022: Maxkamadda Gobalka Baay Ayaa maanta Goob fagaaro ah Dil toogasho ah kula fulisay Eedeysane Maxamed Xasan Maxamed Aadan kadib markii lagu helay in uu Dilay Allaha Unaxariiste Haweeney Ganacsata Magaalada  Baydhabo kamid aheed.

Marxuumad Aamina Maxamed Malaaq ayaa la waysnaa tan iyo jimcihii tagay, Ciidamada Amniga Gaar ahaan Nabad Sugidda ayaa ka Heley Maydkeeda God Suuli “Musqul” ku taal Baydhabo “.

Haweeneyda ayaa ahayd Ganacsato iibin jirtay Dharka.

 

Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Doomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.

 

Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay..

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...