Wasaaradda Caafimaadka DGKGS oo daahfurtay Olalaha Talaalka Cudurka Dabeysha.

Date:

Muqdisho-Juun Axad 05/06/2022:- Wasaradda Caafimadka DGKGS ayaa Maanta si rasmi ah ugu daahfurtay Magalada Baydhabo wareegii sadexaad ee talaalka Dabeysha (mOPV3).

Furitaanka Munaasabada waxaa ka soo qeybgaley Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah Agaasime waxeedyada, shaqaalaha kale ee Wasaaradda iyo wakiilo ka kala socdey Hay-adaha UNICEF iyo WHO.

Qaar kamid ah Masuuliyiintii ku sugnaa madasha ayaa shaqaalaha fulinaya Talaalka waxaa ay kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan sidii talaalka ay u gaarsiin lahaayeen tiro badan oo caruur ah si looga hortago Cudurka Dabeysha.

Intaasi ka dib waxaa talaalka si toos ah ufurey islamarkaasna goobta hadal kooban ka soo jeediyey Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Dhibatada uu leeyahay Cudurka Dabeysha loona baahan yahay in Dadka ay ku baraarugaan in caruurtooda ay qaataan Talaalka Dabeysha, waxaa kale uu balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay sii wadi donaan dadaalkooda si loo cirib tiro cudurka Dabeysha o dhibaato weyn ku haaya caruurteena.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...