Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska

Date:

MUQDISHO-JUUN-5-6-2022-:Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.

 

Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad asaasi ah” oo uu galay.

 

 

 

Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay “inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama “isagu uu isbahdilayo”.

 

Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...