Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhabo.

Date:

Haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo Aamina la weysanaa.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Aamina ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday ninkii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada meydka.

Ninka dilay haweeneydaas ayaa la sheegay inay ku laheed deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheed.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamina ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhaba, waxaana socda baaritaano ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...