Shaqaale ka tirsan Laanqeyrta cas oo lagu weeraray Dalka Mali.

Date:

Samafale u dhashay dalka Holland iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen kooxda Laanqeyrta Cas ayaa la dilay ka dib markii ay la kulmeen weerar gaadma ah oo kadhacay galbeedka Dalka Maali.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Kooxda hubeysan waxa ay saarnaayeen mooto, markii ay rasaas ku furayeen gaariga abbaare 6-dii galabnimo ee Shalay meel u dhow gobolka Kayes”, iyadoo intaa ku dartay in labo ka mid ah shaqaalaha ay ka baxsadeen weerarka gaadmada ah, waxaana gaariga ku xirnaa astaanta Laanqeyrta Cas.

Ururka ayaa u cambaareeyay “si adag, dhacdadan wax u dhimaysa howlgalka bini’aadantinimo ee lagu loogu gurmado dadka nugul.”

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda, laakiin “Minidiinta waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan agagaarka Gobolka uu weerarka kadhacay,” sida ay sheegtay Associated Press.

Walaaca laga qabo ammaanka Maali ayaa sare u kacay tan iyo markii Faransiiska oo oo gumeystay dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalkaas ka dib sagaal sano oo ay “ka caawinayeen Mali la dagaalanka xagjirnimada”.

Ciidamada Mali ayaa weli ku naaloonaya caawinta howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale ay mararka qaar la kulmaan weeraro hubeysan.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...