Shaqaale ka tirsan Laanqeyrta cas oo lagu weeraray Dalka Mali.

Date:

Samafale u dhashay dalka Holland iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen kooxda Laanqeyrta Cas ayaa la dilay ka dib markii ay la kulmeen weerar gaadma ah oo kadhacay galbeedka Dalka Maali.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Kooxda hubeysan waxa ay saarnaayeen mooto, markii ay rasaas ku furayeen gaariga abbaare 6-dii galabnimo ee Shalay meel u dhow gobolka Kayes”, iyadoo intaa ku dartay in labo ka mid ah shaqaalaha ay ka baxsadeen weerarka gaadmada ah, waxaana gaariga ku xirnaa astaanta Laanqeyrta Cas.

Ururka ayaa u cambaareeyay “si adag, dhacdadan wax u dhimaysa howlgalka bini’aadantinimo ee lagu loogu gurmado dadka nugul.”

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda, laakiin “Minidiinta waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan agagaarka Gobolka uu weerarka kadhacay,” sida ay sheegtay Associated Press.

Walaaca laga qabo ammaanka Maali ayaa sare u kacay tan iyo markii Faransiiska oo oo gumeystay dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalkaas ka dib sagaal sano oo ay “ka caawinayeen Mali la dagaalanka xagjirnimada”.

Ciidamada Mali ayaa weli ku naaloonaya caawinta howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale ay mararka qaar la kulmaan weeraro hubeysan.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...