Dowladda Soomaaliya oo maanta deeq raashin ah ku wareejisey guddiga gurmadka abaaraha ee maamulka hirshabeelle.

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka XFS  ayaa maanta  deeq raashin ah ku wareeyjisey guddiga gurmadka abaaraha ee Maamulka Hirshabeelle.

Deeqdaan oo  ka timid dowladda Imaaraadka Carabta ayaa loogu tala galey  dadka abaaruhu ku Saameeyeen ee  ku kala sugan Gobalada Dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gargaarka Maareynta iyo masiibooyinka Xukuumada Soomaaliya mudane Ahmed Abuukar Axmed ayaa ku wareejiyey deeqdaan raashinka ah
Guddiga gurmadka abaaraha Hirshabeele oo uu horkaceyey Wasiirka Arimaha Gudaha Hiirshablle.

 

Waxaa lagu wadaa in Deeeqdaan loo qeybiyo ilaa kun qoys oo ku sugan deeganada hirshabeele, Agaasime axmed wali ayaa sheegey in maalmaha soo socda dadka danta yar ee baaruhu sameeyeen la gaarsiin doono deeqdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...