100 qof oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxo dahab ka qota dalka Chad.

Date:

Muqdisho-31-5-2022-Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi, sida laga soo xigtay masuuliyiinta dalka Chad, sidoo kalena waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay in ka badan 40 qof oo kale.

 

Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

 

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa maanta oo Isniin ahayd sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka. Hase ahaatee wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.

 

Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

 

Dalka Chad ayaa ku lug leh dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha fallaagada ah ee ku hanjabaya inay ridi doonaan dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Idriss Deby. Hase yeeshee, ma jirin wax muujinaya in kooxaha argagixisada ama dembiilayaasha ay door ku lahaayeen rabshadaha macdanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta Dowladda Japan 

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo dhaweeyay ansixinta hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim...

Soomaaliya oo ka qayb-galeysa Shirweynaha Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD9) 

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta,...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...