Iskuduwaha Mashruuca Biyoole ee Dowlad goboleedka Galmudug oo kormeeray bar biyoodka Wadgalinsoor oo ah wartii ugu horeeysay ee lagu dhisay mashruuca Biyoole.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo iskuduwaha Mashruuca Biyoole ee Dowlad goboleedka Galmudug Abdalla Suleyman ayaa kormeer indho indheyn ah kutagay bar biyoodka Wadgalinsoor oo ah wartii ugu horeeysay ee uu dhisay mashruuca Biyoole  ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Wartaan oo ah mid casri ah ayaa lafilayaa in ay kaalin mug iyo miisaan leh ka qaadato qabashada Biyaha roobka, horumarinta beeraha iyo xooladhaqatada ku dhaqan deegaanada hoostagta Wadgalinsoor.

Dhismaha wara biyoodkan oo ahaa sadex barood ayaa laga bilaabay bilowgii sannadkaan deegaano katirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo hada soo wada idlaaday.

Wara Biyoodkaan ayaana la filayaa in dhawaan ay xariga kajaraan madaxda Galmudug oo ay ugu horeeyaan wasiiradda Biyaha, Qorsheynta iyo Howlwadeenada Mashruuca Biyoole ee dowladda Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...