Iskuduwaha Mashruuca Biyoole ee Dowlad goboleedka Galmudug oo kormeeray bar biyoodka Wadgalinsoor oo ah wartii ugu horeeysay ee lagu dhisay mashruuca Biyoole.

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo iskuduwaha Mashruuca Biyoole ee Dowlad goboleedka Galmudug Abdalla Suleyman ayaa kormeer indho indheyn ah kutagay bar biyoodka Wadgalinsoor oo ah wartii ugu horeeysay ee uu dhisay mashruuca Biyoole  ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Wartaan oo ah mid casri ah ayaa lafilayaa in ay kaalin mug iyo miisaan leh ka qaadato qabashada Biyaha roobka, horumarinta beeraha iyo xooladhaqatada ku dhaqan deegaanada hoostagta Wadgalinsoor.

Dhismaha wara biyoodkan oo ahaa sadex barood ayaa laga bilaabay bilowgii sannadkaan deegaano katirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud kuwaas oo hada soo wada idlaaday.

Wara Biyoodkaan ayaana la filayaa in dhawaan ay xariga kajaraan madaxda Galmudug oo ay ugu horeeyaan wasiiradda Biyaha, Qorsheynta iyo Howlwadeenada Mashruuca Biyoole ee dowladda Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...