Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga oo ka qeyb galay shir looga hadlayey waxbarashada dhallinyarta iyo xirfadsiintooda,

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Mudane Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ka qeyb galay shir goboleed heerkiisu aad u sarreeyay oo looga hadlayay waxbarashada dhallinyarta, xirfadsiintooda, ka qeyb galinta arrimaha bulshada iyo u carbinta shaqo sharaf leh, shirkaas oo ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Joordan.

Agaasimuhu waxa uu u soo bandhigay madaxda ka soo qeyb gashay shirkaas Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarta Soomaaliyeed iyo Qorshe Hawleedka loogu talo galay in ay hagaan maal-galinta qaranka ee dhallinyarta Soomaaliyeed muddada afarta sanno ah ee soo socota (2022 – 2026). Intii uu shirku socday Agaasimuhu waxaa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda kala ah:

1. Mudane Maxamed Cali Nabulshi, Wasiirka Dhalinyarta ee dalka Joordan
2. Mudane Ashraf Sobhy, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee dalka Masar
3. Marwo Hibo Muumin, Wasiirka Dhalinyarta iyo Dhaqanka ee dalka Jabuuti
4. Mudane Dr. Misha’al Alshaheen, Wasiirka Arrimaha Dhalinyarta ee dalka Kuwayt
5. Marwo Lu’ay Shabaneh, Isu-duwaha UNFPA ee Waddamada Carabta

Kulamadaas, waxaa aay dhammaan madaxdu si adag u ballan qaadeen in ay Dawladda Soomaaliya ka taageerayaan hirgalinta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarta isla markaana ay u qoondayn doonaan taageero wax ku ool ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...