Ciidanka GORGOR oo gobolka shabeelada hoose deegaano kamid ah ku gubay Doomo ay isticmaali jireen Argagixisada Al-Shabaab .

Date:

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee GORGOR, gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ayaa tuulooyinka Tawakal iyo Balow oo deegaanka Bariire hoostaga ka fuliyay, Howlgal ka dhan ah Nabad-diidka Argagixisada Al-Shabaab oo ay ku baacsanayeen horjoogaha Tuulooyinkaas ugu magacaaban Kooxda Argagixisada.

Ciidanka Xoogga ayaa inta uu howlgalka socday waxaa ay ku guuleysteen inay tuulada Tawakal ku gubeen Doon ay Argagixisada isaga kala gudbi jirtay tuulooyinka Bariire hoostaga sidoo kalana ay ku raran jireen baadda ay shacabka masaakiinta ah ka qaataan.

Waxaa howlgalkaas qorsheysan hogaaminayay Taliyaha ururka 7-aad, guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Maxamed Sheikh, qeybna uu ka ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...