Shil gaari oo ka dhacay laamiga xariiriya Magaaloyinka Galkacyo iyo garoowe ee Maamulka puntland

Date:

Dad gaaraya 15 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo gelinkii danbe ee shalay ka dhacay nawaaxiga tuulada Birta-dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka puntland.

 

Gaari nooca loo yaqaan ‘DYNA’ oo rakaab siday ayaa shilkaas ku galay jid-cadde u dhow tuulada Birta-dheer wax yar kadib markii uu ka leexday laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Dhaawacyo kala duwan oo shilka ka dhashay islamarkaana qaarkood culus yihiin ayaa la keenay xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Garoowe halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

 

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya gudaha Puntland waxaana todobaadkan oo keliya la diiwaan-geliyay ilaa afar shil..

Laba maalin ka hor ayeey aheed markii shil sababay dhimasho iyo dhawac uu ka dhacay wadada xariirisa Magaaloyinka Qardho iyo garoowe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...