Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan oo sheegay inloo qorsheeyey isku day dil.

Date:

Ammaanka ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii uu sheegay in la qorsheeyey, isku day dil, oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo. Xafiiska ra’iisal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu faray laamaha kala duwan ee dawladda, inay sugaan ammaanka ra’iisal wasaaraha hore, xilliyada uu ku sugan yahay isu-soo baxyada kala duwan iyo shirarka waaweyn.

Xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa abaabulay isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda dalkaas ka arrimisa, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday Imran Khan iyo xukuumaddiisa, waxaana lagu bedelay ra’iisal wasaare Shehbaz Sharif.

“Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

“Waxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo” ayuu sii raaciyey Imran Khan, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan ayaa ku adkaysanaya in lagu ciqaabay, inuu qaatay siyaasad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan wadamada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, taas oo ay ka cadhoodeen safarkii uu ku tegey dalka Ruushka, hase ahaatee Maraykanka ayaa iska fogeeyey eedahaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo fuliyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan...

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....