Dad badan oo lagu dilay magaalada Buffalo ee Gobolka New York

Date:

Nin ku hubaysan qori ayaa Axada maanta ah xabbad ku furay dad ku jiray dukaan ku yaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka. Ninka ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, ka hor intii aan saldhigga loo xakayn, sida saraakiil ciidanka ka tirsani ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press.

Faahfaahinta tirada inta qof ee dukaankan oo lagu magacaabo Tops Friendly Market ku jirtay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ayaanan wali la haynin.

Dambi-baarayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo, uu si toos ah weerarka u duubayey. Dambi-baarayaasha ayaa eegaya in qorshaha weerarkiisa uu baraha bulshada ku sii shaaciyey iyo in kale. Saraakiisha ayaa sheegay in baaristu ay marxaladihii u horeeyey ku jirto, ciidankuna aanu wali caddeyn karin wixii ninka weerarka ku riixay. Hase yeeshee, ay eegayaan in toogashadu ay dhinaca isirka la xiriirto.

Dukaanka ayaa ku yaalla xaafad ay dadka madowga ahi u badan yihiin, taas oo 5km ka fog faras magaalaha Buffalo. Goobaha ku wareegsan ayaa ah goobo la deggan yahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka...

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...