Udiyaar Garowgii ugu danbeeyay ee Doorashada  GD Puntland oo heer geba gabo ah maresa

Date:

Waxaa soo dhamaaday Olalihii isu soo baxyada Ururada ee ay kula hadlayeen taageerayaashooda saddexdaani degmo, waxaa la diyaariyay Dhamaanba agabkii kala duwanaa ee doorashada iyo codbixiyeyaasha loogu talagalay iyadoo waqtiga codbixinta ay naga xigaan saacado kooban uun.

Guuleed Saalax Bare Guddoomiyaha Guddiga KMeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa bulshada Degmooyinkaaasi u soo jeediyay inay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah codkoodana ku soo doortaan Ururka ay rabaan ilaaliyaana habraacyada Doorasho.

Ufayn ,Qardho iyo Eylba waxaa Gaaray Ciidamo Gaar ah oo loogu tala galay sugidda amniga Doorashada lana baray lamacaamilka Bulshada iyo ilaalinta agabka Doorashada waxaana Ciidamadaasi degmada Eyl kula dardaarmay Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Mataan oo xusay in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar iyo u naxariisasho bulsho xilliga cod bixinta.

Doorashadan ayaa ka dhici doonta 54 xarumood oo ka tirsan Degmooyinka Eyl Qardho iyo Ufayn, waxaana Codayn doona dad tira ahaan Gaaraya 37,578 qof oo kala dooran doona 449 Musharax oo kala Matalaya urur siyaasadeedyada ku tarmaya doorashadan Hordhaca ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...