Guddoomiyaha Gobolka Bari oo kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka “SAWIRRO”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay kor u qaadida hormarinta magaalada ganacsiga ee Bosaaso, xoojinta amniga Gobolka, u diyaar garowga doorashooyinka dalka, Nabadoonada ayaa ah kuwo ahmiyad gaar ah leh Maamulka Gobolka ayaana siiya mar waliba mudanaanta Hormarinta Gobolka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gashaanlle Sare Xuseen Cali Maxamud, isdudwayaasha Wasaaradaha Warfaafinta, Ganacsiga, iyo Kaluumaysiga, Nabadoono, Iyo madax kale oo ka tiraan Dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Abwaan, ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna Nabadoonada ku bogaadiyey in ay hal meel uga soo wada jeestaan Hormarinta Gobolka adkeeyana midnimada iyo iskaashiga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Nabadoonada uga mahadceliyey sida ay uga qeyb qaataan Hormarka Gobolka Dhinac waliba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...