Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo qaabishay wafdi ka socda Hay’adda WHO

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’adda WHO.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiirka ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo Isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fowsiya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka Martiini ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.

Maamulka Isbitaalka, shaqaalaha ayaa har iyo habeen dadaal adag ugu jira Bukaanada COVID-19 ee saacad saacada loo keenayo Isbitaalka ayagoo ugu shaqeeya si bilaash ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...