Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo u safray dalka UK

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, Rooble ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka caalami ah.

Shirka uu Ra’iisul Wasaare uga qeyb gelayo London waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa ‘tayada waxbarashada carruurta’ sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu kulamo la qaadan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...