Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay u diyaar garowday qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.
Raโiisul Wasaare Rooble oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka goโantahay fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka guuleysto.
โWaxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado si dalkeennu doorasho u aadoโ.ayuu yiri Raโiisul Wasaare Rooble.
โSiyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaan ka codsanayaa garab istaag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo.โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha Dalka.


