Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed.

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah noloshaย  bulshada xilliganย  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Raโ€™iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale