Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaa oo bilaabay Tababar ku saabsan amniga iyo badqabka doorashooyinka dalka+(SAWIRRO).

Date:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF) oo kaashanaya qaybta amniga ee AMISOM ayaa bilaabay tababarka bedqabka doorashada iyo dadka ka shaqaynaya. Tababarkaan ayaa waxa ka qayb gelayaa Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal , Xalinta khilaafadka iyo Guddiyada Heer Maamul Goboleed, wuxuuna socon doona 14 ilaa 15 Febaraayo.

Guddoomiyaha GHDHF Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo furay tababarka ayaa sheegay in duruufaha ku xeeran doorashada, goobaha cod bixinta iyo masuuliyadda hirgelinta doorasho ee saaran ay muhiim u tahay in xubnaha Guddiyada kala duwan ee hirgelinaya doorashada ay helaan tababarro ku saabsan bedqabka iyo dadka doorashada ka shaqaynaya.

Taliyaha Booliiska AMISOM, AIGP Augustine Magnus Kaille ayaa sheegay in iyagoo qayb ka ah guddiga isku dhafka ee Amniga doorashada uu tababarkan u keenayo hab isku xiran oo ay ku wada shaqeeyaan qaybaha fulinta doorashada iyo dhinacyada amniga qaabilsan.

Major Gen. Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghayaha guddiga isku dhafka ah ee amniga doroashooyinka Qaranka ayaa sheegay in wada shaqaynta AMISOM, ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo guddiyada hirgelinaya doroashada ay u tahay muhiim in amniga doorashada la sugo, lagana fogaado wax kastoo keeni kara ammaan darro.

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa qayb ka ah diyaar garowga Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ugu jiraan fulinta doorashada 2021 oo la rajaynayo in wakhti dhow ay wadanka ka qabsoonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...