Wasiirka Gaashaandhiga” Dowladda Federaalka waxay diyaar u tahay dhismaha ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay”.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay dhismaha ciidan Qaran oo lagu kalsoon yahay iyo maalgelintooda.

Wasiirka wuxuu sheegay in Dowladda ay ka qeyb qaadaneyso tayeynta, daryeelka iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin ciidanka Qaranka.

“ Dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay dhisto ciidan qaran oo lagu kalsoonyahay, dhaqaalaha ugu badan ee Dowladda waxaa lagu bixiyaa ciidanka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo sii hadlayay ayaa yiri” Ummad waxay qiimo ku leedahay ciidankeeda oo waajib ka saaran yahay Difaaca Xudduudooda, Baddooda iyo cirka,”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa in la dhiso ciidamo qaran oo howlaha sugidda amniga kaalin weyn ka qaata.

Ciidamada xoogga dalka ee hadda dhisan waxay qeyb weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaano badan oo dalka ah laga xoreeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...