Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu khaarijiyay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa weerar ku qaaday deegaanka Seydheelow oo ka tirsan gobolka Bay,halkaasi oo ay maleeshiyada Al-         Shabaab ay ku dhibaataynayeen shacabka.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Daruur oo la hadlay Wakaaladda (SONNA) ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ugu geysteen koxda Al-Shabaab,ayna deegaanka iminka ay gacanta ku hayaan.

“Howlgalkan waxaa qaaday ciidankeena,waxaana uu ka dhacay deeganaak Seydheelow,waxaa halkaasi lagu dilay 7-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,deegaankana hadda waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda,shacabkuna waa laga dulqaaday dhibtooda”. Ayuu yiri taliye Amiin.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo qayaas ahaantii 35 KM dhanka Waqooyi kaga began magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa horey ugu sugnaa maleeshiyada Alshabaab.

Taliyaha qeybta ayaa xusay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Seydheelow ay ka dambeysay kadib markii shacabka deegaanka uu codsi kaga yimid si looga dulqaado dhibaatada ay kala kulmayeen argagixisada.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhibaato ku haaya shacabka,iyagoo badeecada gaadiidka saaran ay kagubaan si ay nolosha ugu ciriiriyaan dadaka,balse ciidanka xoogga dalka ayaa wada howlgalo ka dhan ah alshabaab meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...