Ciidanka xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen walxaha qarxa.

Date:

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed โ€œTareedishoโ€ ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee ciidanka xoogga dalka lagu bur buriyay goobo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Jeneraal Maxamed Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Balcad, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

โ€œXalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen deegaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay dhagarqabayaashu doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeedโ€. Ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...