Ciidanka xoogga dalka oo bur buriyay fariisimo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen walxaha qarxa.

Date:

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed “Tareedisho” ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen guutada 3aad ururka 19aad ee ciidanka xoogga dalka lagu bur buriyay goobo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa.

Jeneraal Maxamed Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Balcad, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen deegaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay dhagarqabayaashu doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka ayaa xusay in la joogteyn doono howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...