Daawo Sawirradda Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeer ku tagay Xerada Balli-doogle.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo uu ku dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.
Raisul Wasaare Rooble ayaa waxaa socdaalka ku weheliyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Xaaji ,Wasiirka Caafimaadka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage ,waxana uu Ra’isul Wasaaraha ku amaanay saraakiisha iyo ciidamada howsha qaran ee muhiimka ah ee ay dalka u hayaan ee ah difaaca dalka iyo la dagaalanka argagaxisada.
Ra’isul Wasaare Rooble oo hadlayay ayaa waxaa uu u yiri “Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka.
Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...