Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed “In doorashadu nabad inoogu dhacdo faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed”.

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon.

Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

“Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...