Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed “In doorashadu nabad inoogu dhacdo faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed”.

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon.

Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

“Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...