Madaxweynaha Puntland oo soo jeediyey inay shir isugu yimaadaan Madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada.

Date:

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo ka hadlayey gaba-gabada madasha Aragti Wadaagga Heritage oo Garoowe lagu soo afmeeray ayaa soo jeediyey in ay mar kale shir isugu yimaadaan madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, si looga wada-xaajoodo hanaanka doorashada loogana jawaabo tabashooyinka ka taagan hanaanka doorashada.

Deni ayaa xusay in heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen madaxda dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada bishii September 17-dii,  Baarlamaankuna ansixiyey 27-dii isla bishaas uu yahay sharciga kali ah ee haatan lagu gali karo doorashada, balse ay tahay in laga wada hadlo dhaliilaha iyo tabashooyinka ka taagan dhaqan galintiisa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in mudada shirka madasha loo fadhiyey garoowe ay socdeen shirar gaar gaar ah oo isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay wadeen si ay isugu soo dhaweeyaan dhinacyada doorashada ku lugta leh ama danaynaya, waxaana uu xusay in dadaaladaasi ay sii socon doonaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo jeediyey in la ilaaliyo nabadgalyada guud ee dalka xilliga doorashada, waxaana uu ka digay in la kiciyo fitno iyo colaad, isagoo yiri “Waxaan codsanayaa inaan fitno colaadeed la kicin, doorashaduna waa waxa la isku hayaa, waa doorasho, waana wax sanduuq lagu rido, ololuhuna waa hadal, qori boos uma banaana”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in dawladda soo socota ay tahay inay ahmiyad siiso dhamaystirka Dastuurka, Federaalaynta dalka, sugidda ammaanka iyo u diyaar garowga doorasho dadweyne, si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...