Wasaaradda Shaqada XFS oo hirgelinaysa xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada+Sawirro

Date:

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta hal abuurka Shaqada iyo horumarinta dhallinyarada.

Xarunta oo laga dhagax-dhigay wasaaradda shaqada iyo srrimaha bulshada ayaa adeegyo wax-tar leh siineysa dhallinyarada Soomaaliyeed ,sida is waafajinta xirfadaha iyo tababarka shaqada.

“Xaruntan waxay albaabka u fureysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo ay ka helidoonaan goob ay ugu soo hagaagaan fursadaha shaqooyinka ee ka jira gudaha dalka, waxaa kalo ay xoojin doontaa Hal abuurka iyo horumarinta dhallinyarada .” ayuu yiri Wasiir Duraan oo intaa ku daray.”

“Dalkeenna wuxuu la tacaalaya shaqo la’aan, si taas xal loogu helo hadda waxaan diiradda saareynaa xirfadaha oo lagu horumarin doono dhallinyarada waxbarashada helay iyo kuwa aan fursadaa helin.” ayuu ku daray.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa ka qeybgalay Sanetor Naciima Ibraahim Yusuf, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Mudane Cali Cabdi Weheliye madaxa mashaariicda hay’adda Save the Children , oo ka caawinaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlgalinta xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...