Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo ka qeyb galay shir weynaha labaad ee haweenka Ganacsatada+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shir-weynihii labaad ee haweenka ganacsatada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan, ayaa loogga hadlay siddii loo dhiiri-gelin lahaa ganacsiga haweenka, wax-ka-qabashada caqabadaha jira iyo sidii loogu fududeyn lahaa ganacsiga, gaar ahaan maal-gelinta ay sameeyaan baananka wadanka iyo hay’adaha kale ee Maaliyadeed.

Wasiir Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa boggaadiyey shirkan, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu leeyahay ganacsiga haweenka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay kaalin muuqato kaga jiraan dhismaha dalka, shaqo-abuurka iyo kobaca dhaqaalaha, sidoo kale ay haweenka Soomaaliyeed duruufo badan kala soo dabaasheen wadanka.

Wuxu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay si dhow u taageeraan ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, isla-mar-ahaantaana ay gacanta ku hayaan mashaariicdii iyo siyaasadihii lagu dhiiri-gelinaayey horumarinta ganacsigooda, kuwaasi oo abuuraya jawi degan oo ay ku ganacsan karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...