In ka badan 40 dal oo UK saaray xayiraad dhanka duulimaadka ah taas oo saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo nolosha dadka UK.

Date:

Dalka UK ayaa wajahaya labo mushkilo oo waaweyn kuwaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka .

UK oo ah dalka shanaad ee ugu taajirsan dunida waxaa iminka la dagaya nooc cusub oo ah feyraska karoona iyo xayiraad ay saareen dalal badan kuwaas oo cabsi ka qaba xanuunka laayaanka ah ee sida daran u faafaya.

Ilaa 40 dal oo badankooda ku yaala qaarada Yurub ayaa joojiyay duulimaadyadii si ay uga gaashaantaan xanuunka nooca cusub ee karoonaha ah ee UK laga helay.

Dalka faransiiska ayaa xiray marinka kaliya ee isku xira UK iyo Yurub kaas oo ah surinka biyaha English Chanel.

Gaadiid badan ayaa hoganaya magaalada Dover ee gobalka England halkaas oo ay ku taala dekada ay maraakiibtu ka xanbaaraan gaadiidka xamuulka.

Sidoo kale waxaa joogsaday tareenka badda ka hoos dusa ee Eurostar kaas oo isku xira Yurub iyo UK.

Ra’isulwasaaraha Britain Boris Johnson oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu taleefan kula xiriiray madaxweynaha faransiiska ayna ka shaqeynayaan sidii marinka badda loo furi lahaa .

Cuntada UK waxaa 20% ay soo martaa gacanka English Chanel waxaana sidoo kale ay UK halkaasi ka dhoofisaa wax soo saarkeeda sida cuntada badda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...