Wasiiru dowlaha Ganacsiga oo daah-furay shirka madasha labaad ee horumarinta dhoofka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta furay shirka Madasha Labaad ee Horumarinta Dhoofka Soomaaliya, oo ay soo abaabuleen Golaha Dhiiri-gelinta Dhoofka ee Soomaaliya oo ay ku bahoobeen ganacsato Soomaaliyeed.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Agaasimeyaasha Ganacsiga iyo Maal-gashiga ee Wasaaradda, ayaa waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan xaaladda Ganacsi ee wadanka iyo kaalinta ay Wasaaraddu kaga jirto dhiiri-gelinta iyo horumarinta dhoofinta wax-soo-saarka wadanka,

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Wasaaraddu ay mar walba u taagan tahay siddii suuqyo ganacsi looggu heli lahaa wax-soo-saarka dalkeena, sidoo kale loo fududeyn lahaa ganacsiga iyo dhoofinta wax-soo-saarka wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...